Qadar saaka markii shaqada xafiska ay ka idlaatay ayaa uu soo xasuustay in numberka telkii Yaasiin uu heysto markiiba waa uu garaacay misana qad kale ayaa uu ku jiray wax badan ayaa uu ku garaacay hadana Yaasiin kagama soo bixin waana uu arkaayey in number uusan garan uu soo wacayo isagana waxa uu la hadlaayey Falis oo soo wacday Qadar markii uu dhowr jeer uu ku garaacay msiana qadka loogu soo bixi waayey ayaa uu is yiri malaha wax yar I sug balse Yaasiin ayaa markii uu ka baxay qadkii Falis oo u sheegtay in saaka shaqada kushiinka ay iyada leeahay oo ay caawa soo waceyso ayaa uu u galay numberkii cusbaa ee dhowrka jeer soo wacay Qaar markii uu arkay in Yaasiin uu soo wacayo ayaa uu ku damiyey ayuu di u soo wacay markii uu arkay in laga qabtay ayaa uu ku yiri.

 

Qadar:

Haye nacas ii waran xanuunka weli ma dareemeysaa

 

Yaasiin:

Yaa ila hadlayo maxay tahay aqlaaqda darada aad ku hadleyso yaa tahay adiga

 

Qadar:

Waa aabahaa

 

Yaasiin:

War aabahey ma tihidee maxay tahay sababta aad ii soo wacday

 

Qadar:

Haa aabahihii aadaabta ku barayey ee casharka kuu dhigay haye weli xanuunka ma dareemeysaa

 

Yaasiin:

Doqon iminkaa ku gartay maxaad is mooday ma dhaawac yar oo aad si gaadmo ah igu gaar siisay ayay kula tahay in aad libin ku heshay magaalada waan isla joognaa doqonyahaw.

 

Qadar:

I maqal dhoocilyow tani cashar ahaan u qaado haddii aan mar kale xaafadeyda kugu arko waad dhimaneysaa.

Yaasiin:

Waan isla joognaa doqongiyow aan arko waxaad iga qaadin kartid ciyaalka xaafada ayaa kugu saaciday in aad daqarka igu dhufato car waa kaa gacantaada ku kalsoonaaw oo iala dagaal

 

Qadar qosol dheer ayaa uu dhek ka siiyey markaas ayaa uu yiri

 

Qadar:

Oo ma sidaan oo dhan ayaad isugu kalsoon tahay waryaa lafahaaga ayaad igu tuugeysaa haye ii sheeg inteen isku arkeynaa

 

Yaasiin:

Waxba ha degdegin anigaaba xaafada aad ku goodineysid imaan doono aan arko waxaad fasho

 

Qadar:

Hagaag waan ku sugayaa laakiin mid markaan soo gasho xaafada kani waa numberkayga ee I soo wac sidaan xilli hore dhulka kuu dhigo

 

Yaasiin:

Alla wiilyahow maxaad is cajibisay waan kulmeynaa maalintaas ayaana hadli doonaa

 

Qadar:

Haye waan ku sugayaa qadka waan xerayo maxaa yeelay sidaad oo kale howl-laawe ma ihi

 

Qadar markiiba qadka ayaa uu xeray oo uu shaqadiisa ku laabtay Yaasiin ayaa ahaa mida uu ciilka dilayo waana uu dharareyey in ay dib u kulmaan isaga iyo Qadar waxa uuna wacad naftiisa kaga qaaday inuu ka aarsan doono sidey doontaba ha ahaato

 

Falis saaxiibkeed subax kasta ayay la hadli jirtay oo xaalkiisa ka wareysan jirtay balse waa ay tabeysay nafteeda in ay xabiibkii nafteeda ay la kulanto waxaana ku adkaa in ay u bareerto la kulanka Yaasiin maxaa yeelay ma u sahlaneyn in ay xaafadiisa ku booqato balse waxa ay arintaan beryahan nafteeda waashay ay u gareysatay in la wadaagto yaasmiin oo aheyd cida kaliya ee ay ku kalsooneyd ee ay arrimaheeda ugu warami jirtay waxaana dhexmaray sheekadaan

 

Falis:

Yaaska ma ogtahay in aan hilow dareemayo

 

Yaasmiin:

Yaasiin ayaa u hilowday Sax

 

Falis:

Yaan kale oo aan u hiloowi lahaa

 

Yaasmiin:

Hilowgaas inuu ku deeyo armey kuu wanaagsan tahay ileyn waa waxaan dhici Karin

 

Falis:

Laakiin abaayo ma ogtahay in cida kaliya ee arrintaas igu saacidi karto in ay adiga tahay

Yaasmiin:

Aniga!! Waa igu cayaareysaa

 

Falis:

Maya walaahi waa iga run

 

Yaasmiin:

Haye side

 

Falis:

Yaaska si fiican I maqal aniga waxaan rabaa in aan Yaasiin xaafadiisa ku soo booqdo taa nafteyda ayaa I leh samee

 

Yaasmiin:

Gartey anigana sideen kuu saacidi karaa

 

Falis:

Waad ogtahay adiga oo ila socdo oo kaliya in aan guriga ka bixi karo waxaan ku baxeynaa in aan xaafada Sureer aadeyno sidaasna aan xaafada Yaasiin ugu gudubno

 

Yaasmiin:

Taasi waa mid sumcad daro nagu ah fikir Falisey sideen wiil xaafadiisa ugu soo booqanaynaa reerkiisa maxay naga aaminaayaan sow uma muuqaneyno gabdho saaqidiin ah aniga waa mid aan aqbali Karin mana rabo in aan kugu raaco fikirkaas

 

Falis:

Ma aqaan waxaan kugu sifeeyo I faham sideen hablo xun ugu ekeeneynaa taasi waa aragti maskax gaabni ka timid waana la isa soo booqan karaa

 

Yaasmiin:

Si kasta oo aan qiil ugu sameyso hadafkaaga ma dhaceyso in aan kugu raaco

 

Yaasmiin markiiba qolka ayay ka baxday waxaana keli ku noqotay Falis oo aad ugu xumaaday in hadafkii ay saacado soo dhiseysay mar kaliya ay Yaasmiin kala tuurto waxayna iskula hadashay “ Alla Yaaska maxaan kaa yaaban nahay si kasta waa qasab in aan beri Yaasiin arko wax walba ha iga dhumaan diyaar ayaan u ahay”

 

Yaasmiin ayaa mar kale qolka ku soo laabatay waxayna Falis ku tiri

 

Falis:

I maqal Yaaska aniga beri waan baxayaa si kasta aan ku baxo laakiin mid ayaan kaa rabaa beri adiga waa in aad xanuunsataa maxaa yeelay aniga waan baxayaa waxaana ku baxayaa in Sureer ay xanuunsan tahay oo aan soo booqanayo iyadana aniga ayaa ka dhaadhicinaayo adiga waxaad subaxii sheegeysaa in aad xanuunsan tahay

 

Yaasmiin:

Annagaa yaabnay xanuunkana maxaad igu keeneysaa

 

Falis:

Xal kale malaha dhib malaha waa tii keli xanuun qabi jirtay kaliya ku dheh kelida ayaa I xanuuneyso hana igu soo toosin howsha oo dhan aniga ayaa cabayo

Yaasmiin:

Kolay joog igama yeeleysid waan ku aqaan waxa qalbigaaga ku soo dhacaba waad fashaa maarka inshah allah Qeyr ayaan kuu rajeeyey

 

Falis arrimaheeda kuli waxay u noqdeen kuwa ay ku guuleysatay waana ka dhaadhicisay Sureer sidoo kale Hooyo Maryan waxa ay u sheegtay in Sutreer ay jaranjarada isbitaalka iyada oo koreysa in kobta u godoontay oo ay lug ka murgacatay isla markaana ay soo fiirineyso waaana ay ka ogolaatay sidoo kalana Yaasmiin casharkii loo dhigay si wanaagsan ayay u meerisay oo sariirta kama soo kicin subaxaas

 

 

 

 

LIBIN JACEYL WQ:  XAALI X MAXAMED (XAALKOOS) [email protected]
Waxeeyna gaar u tahay Jowhar.com / [email protected] la soco Jimco walba.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here