Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa u soo xiray tababar  taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Hirshabeelle & Taliye qeybyada tababar socday muddo toddobaad ah.

Munaasabada  xeritaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ,Mas,uulyiinta Maamulka Gobolka Sh/dhexe & Maamulka degmada Jowhar.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle Mudane Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa ka warbixiyay tababarka ay qaateen saraakiisha ciidamada Booliska waxana uu amaan u soo jeediyay Quburada Booliska Soomaaliyeed ee tababarka bixinayay.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka hadlay munaasabada xiritaanka tababarka ayaa ka codsaday taliyaasha ciidamada Booliska inay aqoontii ay ka kororsadeen ay ku dabaqaan howlahooda shaqo ee muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan kula dardaarmayaa dhamaan Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Hirshabeelle in aqoonta ay ka faa’iideysteen mudada uu socday tababarka si sharciga waafaqsan ugu shaqeyaan shacabka maadaama Booliska uu yahay ilaaliyaha shacabka.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay  taliyeyaasha saldhigyada Booliska degmooyinka Hirshabeelle isagoo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka saaciday tabarkaan madaama Quburo Booliska Soomaaliya ka tirsan u soo direen.

Tababarkaani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu qabto xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , iyadoo ku soo aaday tababarkaani xilli Dowlad Goboleedka hirshabeelle  ay ku gudo jirto dhismaha ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in dhowaan afar boqol oo askari lagu tababaro halka magaalada Beledweyne la qorsheynayo in lagu tababaro lix boqol oo askari.

 

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here