Wararka ka imanaya degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ay isku soo dhiibeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ciidamada maamulka KoofurGalbeed Soomaaliya.

Maamulka degmada Diinsoor ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in maleeshiyaadka Al-shabaab ay wateen gaari tikniko ah halka tiradooda uu ku sheegay illaa shan.

“Waxaa is soo dhiibay xubno katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof, waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor, way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri guddoomiye Ibraahim.

Sidoo kale Maamulka Dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa xaqiijiyay warkan sheegaya in ay isa soo dhiibeen maleeshiyaad Al-Shabaab ah, waxana ay is soo dhiibistga maleeshiyaadkan ku soo beegantay xilli uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo Sheekh Muqtaar Roobow oo hore ugaga tirsanaa saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab basle dhowaan wadahadalo uu la galay dowlada uu ku yimid magaalada Xudur.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here