Ahlu Sunna iyo Gal-Mudug ayaa goordhow heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday madaxtooyadda Somalia iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda ee dowladda Federaalka.

Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.

War saxaafadeedka ayaa waxaa u akhriyay saxaafada Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka mid ah Guddiyada Wada-xaajoodka ee labada dhinac, isla markaana ka mid ah Ragga aadka ugu dhow Madaxweynaha.

Halkan hoose ka aqriso qodobada lagu heshiiyay oo dhamaystiran;

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here